Ciidamadda Dowladda oo Shabaab Kala Wareegay Deegaano Hoostaga Janaale

0

Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad ee guutada 14-October ayaa howlgalo culus Shabaab uga saaray tuulooyinka Cabananey, Beeraha baay, Siigaale, Malable iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa jab Xooggan gaarsiiyey Shabaabkii ku sugnaa tuulooyinkaas, sidoo kale waxaa ay gubeen doon ay Al-shabaab u adeegsan-jirtay dhibaateynta shacabka labada dhinac ee wabiga kala daggan oo ay uga kala gudbi jireen.

Taliyaha Ururka 84-aad, guutada 14October Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka hogaaminayay ayaa Sheegay in  howlgalka intuu socday inay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Shabaab  ku aaseen waddo isku xirta deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale oo ay doonayeen inay shacabka masaakiinta ah ku gumaadaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here