Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Kulamo Kawada Magaaladda Garoowe

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii saddexaad ku sugan Magaaladda  Garoowe, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa labo kulan oo albaabadu u xiran yihiin yeeshay tan iyo habeenkii khamiistii.

Sida ay sheegayaan warar soo baxaya, Kulamadan ayaa diirada lagu saaray dhameynta madmadowga labada madaxtooyo iyo xoojinta wada-shaqeyntooda, sii deynta mashaariic iyo dhaqaale ay ka xayirtay Puntland dawladdii Madaxweyne Farmaajo, qeybsiga mashaariicda hormarineed ee cusub iyo sidii ay Madaxtooyada Garoowe saameyn ugu yeelan laheyd xubnaha DFS ku matalaya Puntland.

Sidoo kale, Xogaha ayaa sheegaya in xasan sheikh iyo Saciid Deni ay isla soo qaadeen xaalada Jubbaland iyo muddo kordhinta halka sanno ah ee uu sameystay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Wax natiijo ah kama soo bixin kulamada ay yeesheen Xasan Sheekh iyo Siciid Deni, balse waxaa jirta saadaal muujinaysa in is afgarad uu dhexmaro saacadaha soo socda.

Puntland iyo Jubbaland oo ka mid ahaa maamuladii u babac dhigay culeeskii siyaasadeed ee dalka uu soo maray xukunkii Farmaajo ayaa hadda markii uu Xasan Sheekh yimid aad u lanayay in wada shaqaynta dowladda dhexe iyo tan federaalka ah ay sidan ka wanaagsanaato.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here