Pro Yaxye Caamir:-“Puntland Waa Caqabadda Haysata Soomaaliya”,+Dhageyso

0

Maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyay in mar walba ay qeyb ka yihiin dhibaatadda Soomaaliya ka jirta,islamarkaana Madaxda Maamulkaas ay danahooda eegtaan.

Pro Yaxye Shiikh Caamir oo kamid ah aqoonyahanadda Soomaaliyeed oo wareysi siinayay idaacadda ayaa sheegay in Puntland ay tahay caqadda koowaad ee haysata Soomaaliya,marka dib loo eego dhacdooyinkii dalka ka dhacay 30-kii sano aynu soo dhaafnay.

Waxa uu sheegay in danahooda ay mar walba eegtaan,islamarkaana aysan fiirin maslaxadda Umadda Soomaaliyeed oo haatan la daaladhacaysa Abaar iyo amnidaro.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya,gaar ahaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud in uusan aqbalin dalabaadka Madaxda Maamulka Puntland.

Puntland ayaa kamid aheyd maamuladii diidanaa maamulkii hore uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here