Ururka 5aad, Guutada 16 aad ee Kumaandooska Danab XDS iyo Ciidanka Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa Hawlgalo Lagu baacsanayo AL-shabaab ka sameeyey Deeganada Kaanjaroon, Yaaqxaluul, Beerxaani Iyo Mudulow oo ka wada Ka Tirsan Gobalka Jubbada Hoose.
Hawlgaladaan ayaa Intii ay Socdeen waxaa Lagu Khaarajiyay 3 SHabaab ah ,Waxaana Lagu Dhaawacay 2 Kamid ah isla shabaabka, Sidoo kale Ciidanku waxay Gurmad Caafimaad U fidiyeen Dad Shacab ah oo Al-shabaab ay Miino ku waxyeeleeyeen, iyadoona Ciidanka Soo bixiyeen Miinooyin ay rabeen Al-shabaab in ay ku waxyeeleeyaan Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada.
Dhinaca kale Ciidanka Waxay la kulmeen bulshada Ku dhaqan deegaanadan, iyagoona kala hadlay sida shacabka uu uga qeyb qaadan karo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

