Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda muqdisho waxa ay ku dileen Nin Nabadoon ahaa.
Dilkaan ayaa ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan meesha loo yaqaano Maalin Taajir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa dilay Nabadoonka oo lagu magacaabo jirey Maxamed Nuur Diiriye,wuxuuna ahaa ganacsade iyo Nabadoon.
Ragii ka dambeeyay dilka ayaa isaga baxsaday goobta,waxaana goobta laga sameeyay baaritaano.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan loo geystay shaqsigaan.

