Wararka haatan naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada al-shabaab ay dib ula wareegeen deegaanka Buur-weyn ee hoostaga degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan oo subaxnimadii hore ee shalay ay la wareegeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga africa ee amisom.
Dhanka kale Dagaal kooban ayaa la sheegay In uu ka dhacay deeganka oo al-shabaab ay ku soo qaadeen waxaa markii dambe u suurta gashay ciidamadii al-shabaab in ay dib ula wareegaan deeganka. Oo shalay ay qabsadeen ciidamada dowlada soomaliya. iyo kuwa Amisom.
wali wax war kama soo bixin dhanka saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ay kaga hadlayaan la wareegitaanka al-shabaab deegaanka Buur-weyn ee hoostaga degmada Buula burde.
Wixii kusoo kordha warkaan kala soco simbanews.com

