Mr Odinga ayaa madaxa guddiga doorashada Kenya ku eedeeyay inuu si cad ugu xad gudbay dastuurka Kenya.
“Waxaan gabi ahaanba diidnay natiijada doorashada madaxtooyada. Natiijada uu soo bandhigay Mr. Chebukati waa kuwo aan waxba ka jirin, waana in lagu burburiyaa sharci maxkamadeed,” Odinga ayaa sidaasi yiri mar uu maanta la hadlayay taageerayaashiisa xisbigiisa, isagoo ugu baaqay is dejiyaan oo ay nabadda ilaaliyaan.
“Waxaan wadnaa dariiqooyin iyo habab dastuuri ah oo sharci ah si aan u burino Mr. Chebukati ku dhawaaqistiisa sharci darrada ah ee aan dastuurka waafaqsanayn,” ayuu hadalkiisa raaciyay Odinga.
Wafula Chebukati, oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada ee Kenya ee IEBC, ayaa shalay ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee todobaadkii hore.

