Madaxweynaha Galmudug oo ugu baaqay Ganacsatada in ay Maalgashi ku Sameeystaan Deegaanada Maamulkaasi

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu  baaqay Ganacsatada iyo Qurbojoogta kasoo jeeda deeganada Maamulka Galmudug in ay Maalgashi ku sameeystaan Deegaanada Maamulkaasi.

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo hadal kooban ka jeediyay  kulan ay si wadajir ah ay u soo qaban-qaabiyeen Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Rugta ganacsiga Maamulka Galmudug ayaa sheegay in loogu baahan yahay qurba joogta kasoo jeeda deeganada Maamulka Galmudug In ay ka qeyb qataan sidii maalgashi loogu sameysan  lahaa deeganada Maamulka Galmudug.

“Waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada iyo Qurbojoogta kasoo jeeda deeganada Maamulka Galmudug in ay maalgashi ku sameystaan deeganada Maamulka Galmudug ayuu yiri Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa hadalkaan ka jeediyay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayna kasoo qeyb galeen Madax ka socotay Maamulka Galmudug, qurba-joog iyo ganacsato.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here