Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya In uu fashilmay shirkii maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ee ka socday magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe) oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa si kulul u beeniyay in uu shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe uu fashil kusoo dhamaaday.
“ma jiraan wax fashil la yiraahdo oo ku yimid shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe maalmaha soo socdo ayuu dib u furmi doonaa ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Cali Guudlaawe.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka hadlay tabashooyinka ka imaanaya qaar kamid ah beelaha dega Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe isagoona Tilmaamay in wasaaradda arrimaha Gudaha xukuumada somaliya ay ku mashquulsan tahay arrimaha qancinta beelaha.
Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa kusoo beegmaya xili uu wali hakad ku jiro shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo dhawaan uu furey Madaxweynaha Somaliya Xaan sheikh Maxamuud.

