Isbahaysi ka dhan Madaxweyne Lafta-gareen oo Magaaladda Muqdisho Loogu Dhawaaqay

0

Magaaladda muqdisho waxaa loogu dhawaaqay isbahaysi ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta kasoo jeeda Deeganadda maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ay Magaaladda muqdisho ay ku yeesheen Siyaasiyiinta kasoo jeeda koonfur Galbeed Soomaaliya,islamarkaan ay ka qeyb galeen Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan, Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jawaari iyo xubno kale ayaa laga sheegay in koonfur Galbeed Soomaaliya ay u baahan tahay isbadal.

Xubnahan waxey ku doodayaan in mudo xileedka Lafta-Gareen ay ku egtahay dhamaadka sanadan, balse isago waxa uu ku doodayaa in sanadka danbe dhamaadkiisa uu xilkiisa ku egyahay oo ay isla dhameysanayaan baarlamaanka, maadaama uu sanad ku darsaday xil heyntiisa.

Ku dhawaaqista isbaheysigan cusub ayaa ku soo aadaya xili uu Muqdisho soo gaaray madaxweyne Cabdi Casiis Lafta-Gareen, wuxuuna isku dayayaa sidii uu isaga yareyn lahaa culeyska saaran ee uga imanaya dhanka dowladda cusub iyo siyaasiyiinta saameynta leh ee uu khilaafka xooggani kala dhexeeyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here