Ciidanka Liyuu Boolis oo Sheegay in ay qabteen Xubno Xarakadda Al-shabaab ah

0

Maamulka Dowladd Deegaanka Soomaalida Ethopia ayaa sheegay in  gacanta ay ku dhigeen xubno ka Tirsanaa Al-shabaab,kadib dagaalo ka socday maalmahaan Dowladd Deegaanka Soomaalida.

Saraakiil katirsan ciidamada Liyuu booliiska ayaa sheegay in dagaalka ku dileen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale gacanta kusoo dhigeen dagaalyahano nool oo isugu jira ku dhaawacyo qaba iyo kuwa caadi ah.

Waxa ay sheegeen in dagaalyahanada Al Shabaab katirsan ee soo qabteen xabsiyo loo gudbiyay halka kuwa dhaawacyada qabana lagu daweenayo goobo caafimaad oo kuyaalla dowlad deegaanka.

Dhanka kel Afhayeenka militariga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa horey u sheegay in dagaal-yahanada ay qabsadeen Yeed iyo Caato, ayna dileen 87 askari oo Liyuu Boolis ah. Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro ay ku sheegtay khasaaraha dagaalka.

Abu Muscab kama hadlin khasaaraha gaaray Al-Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here