Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramadda midoobay u Gudbisay Codsi ku aadan in Soomaaliya laga qaado Cunqabateynta Hubka Saaran Soomaaliya,si loosoo gaba-gabeeyo dagaalka Al-shabaab.
Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo nabadda ee Midowga Africa Cabdi Maxamud Haybe ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Soomaaliya si deg deg ah looga qaado Cuna-qabateynta dhanka hubka ama ugu yaraan laga yareeyo si ay u hesho fursad ay hub kusoo iibsato si loo ciribtiro kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.
“Wadahadalladii aan la yeelanay wakiilada Qaramada Midoobay iyo dhinacyada kale ee taageera Ciidanka Midowga Afrika waxaan u sheegnay in ay taageero hub ay siiyaan Ciidamada Soomaaiya & kuwa Midowga Afrika si ay u fuliyaan howlgallo ka dhan ah Argagixisada go’doomisay meelo badan oo kamid ah dhulka Soomaaliya” ayuu yiri Haybe.
“Soomaaliya waxaa saaran cuna-qabateyn hubka ah, si argagixisada looga saaro meelaha ay joogaan waxaa muhiim ah in la helo hub ka duwan kuwa ay heystaan, ugu yaraan waa in la fududeeyaa si ay u hesho hubka ay u baahan tahay, ninka aad la dagaalameysid haddii aad isku hub tihiin kama adkaaneysid oo waa ijiid aan ku jiidee balse sida kaliya ee looga adkaan karo waa in hub casri ah la helo”

