Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxa Ka Dhacay Magaaladda Jowhar

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda Jowhar ee caasimadda Maamulka Hir-shabeelle.

War qoraal ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lala beegsaday hotel ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hir-shabeelle.

Al-shabaab ayaa sheeay in qaraxa khasaare lagu gaarsiiyay Mas’uuliyiinta Maamulka Hir-shabeelle,

“Al-shabaab ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday xarun ay magaalada Jowhar uga sugnaayeen mas’uuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle” ayaa lagu yiri war ay baahisay Andalus.

Al Shabaab waxay sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonaan faah faahinta khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii maanta.

Waa qaraxii ugu xooganaa ee abid ka dhaca magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabeelle wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamo katirsan ATMIS ay isku gadaameen goobta ay wax ka dhaceen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here