Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Mxamuud iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulan ka yeeshay dhacdadii ka dhacday Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Sacdiya Salaad, oo loo diiday in ay ka dagto Magalaadda Boosaaso.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo raisulwasaaraha ay xildhibaanadd sacdiya ay ka codsadeen in ay warbaahinta la wadaagin wixii ka dhacay Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khadka Taleefonka kula hadlay Madaxweyne Siciid Deni ayaa uga tacsiyeeyay Shaqaaqadii Khasaaraha sababtay ee ka dhacday Boosaaso, islamarkaana u sheegay in uu dhowaan safar ku imaan doono Puntland.

