Maamul Loogu Soo Horjeedo Madaxweyne Lafta-gareen oo Loogu Dhawaaqay Ceel-barde

0

Degmadda Ceel-barde ee Gobolka bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa loogu dhawaaqay ciidamo la shegay in loogu soo horjeedo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Afhayeen u hadlay ciidamadda loogu dhawaaqay Degmadda Ceel-barde ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhibaatooyin ku haya Degmadda,wuxuuna shaaciyay Magacyadda shaqsiyaadkaas.

Sidoo kale waxa uu faray Malkiilayaasha Diyaaradaha in ay fuliyaan amarka kasoo baxay Maamulka loogu dhawaaqay Degmadda Ceel-barde.

“Shirkadaha diyaaradaha waxaan ka rabnaa inay dhaqan geliyaan xayiraada aan deegaanka ka saarnay xubnaha kala ah: 1-Axmed Sheekh Maxamed (Mashruuc) 2- Axmed Dhuubow Keynaan (Axmed Tabliiq) 3-Khadar Mahad Dhicis 4-Cabdiraxmaan Cumar Boorow 5-Xabe Cismaan Indhaqiiq, 6-Abshir Cabdulqaadir Sheekh Maxamed, 7-Cabdinuur Maxamed Xasan (Dhegaduleel) 8-Iyo Cabdi Gaarane.”

Dhanka kale mid kamid ah Nabadoonada Degmada ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ka dambeeyay in Degmadda Ceel-barde la dhaafsiiyo kuraasta qaar kamid Xildhibaanadda Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here