Akhriso:-Somaliland oo Beenisay in Xiriir la Yeelanayso Maamulka Israa’iil

0

Maamulka Somaliland ayaa beeniyay war lagu baahiyay mid kamid wargeysyadda kasoo baxa Israel oo lagu sheegay in Somaliland ay ka qeyb gashay Shirka oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Israa’iil ee Faransiiska bishii May.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu beeniyay run nimada Warkan oo uu Wargayska kasoo baxay.

“Warar aan sal iyo raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay wargayska The Times of Israel kaas oo ay ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo wadamada Afrika, waana been cad oo marag ma doona” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.

Wasaarada ayaa sheegtay in wasiir Caateeye uu xiliga wargaysku sheegay ka mid ahaa guddidii qaban qaabada munaaasibada 18 May.

“Abdiqani Maxamuud Caateeye waxa uu mudooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay hawlaha qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudiddii 18-ka May, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.

Wargayska The Times of Israel, oo faalo ka qoray xidhiidh ay suuragal tahay in waddamada Geeska Afrika la yeeshaan Israa’iil, ayaa sheegay in Somaliland ka qayb gashay shir lagu falan qaynayay xidhiidhka Afrika iyo Israel bishii May, warkaasi oo Somaliland beenisay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here