Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha oo La Kulmay Xoghayaha Jaamacadda Carabta

0

Ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha JFS  Cabdiraxman Cabdishakur, ayaa dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxwyne Xassan Sheekh u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Gheit.

Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar Danjiraha JFS ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, ayaa sheegay in farriinta Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay mid bini’aadannimo oo ku aaddan in si deg deg ah loogu istaago gargaarka shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

Waxaa uu sheegay in shirka wasiirrada arrimaha debedda Carabta looga hadli doono arrimaha abaaraha Soomaaliya uu Ergeyga Madaxweynuhu usoo bandhigi doono xaaladda abaarta , isaga oo codsaday in aan Soomaaliya lagu eegan xaaladda abaaraha ee adag.

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku micneeyay farriinta Madaxweynaha Soomaaliya in Soomaaliya ay ka codsaneyso Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carabeed in ay caawiyaan dalkiisa oo ay abaaro aan horay loo arag muddo 40 sano ah ka jiraan, iyadoo ku dhawaad 7 milyan oo muwaadiniin ah ay wajahayaan xaalad macluul ah.

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa intaas ku dartay in, in ka badan 7.1 milyan oo qof ay dhibaatadu soo gaartay, kuwaasi oo ay ku jiraan ilaa 700,000 oo qof oo ku qasbanaaday in ay ka barakacaan guryahooda si ay u raadsadaan cunto, biyo iyo baad. Tirada dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ayaa hadda lagu qiyaasay 3 milyan oo qof, xaaladda ayaa sidoo kale ka sii daraysa iyada oo meelo kala duwan oo dalka ah ay ka dillaaceen koloriin iyo jadeeco.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here