Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 12-aad oo Saakay Dalka Ka Bilaabanaya

0

Waxaa saaka dalka ka bilaabanaya Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ay qaaddo wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka.

Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka ayaa horey u shaacisay in 18-ka bishaan la qaadi doono imtixaanka dowladda dhexe.

“Imtixaanka waxaa uu  bilaaban doonaa 18ka Juunyo, 2022 oo ku beegan maalin sabti ah, Jadwalkaani wuxuu qeexaya sida maadooyinku-u-kala horreyn doonaan,wasaaraddu waxay ardayda Soomaaliyeed u rijayneysaa guul iyo mustaqbal horumarsan”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda waxbarashadda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here