Al-shabaab iyo Dad Deegaanka oo Ku Dagaalamay Deegaanka Baxdo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamo Deegaanka ah iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab oo saakay ka dhacay deegaanka Baxdo oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka,dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab ayaa dhowr jiho deegaanka kasoo weeraray waxayna dagaal kala kulmeen dadka deegaanka oo is garabsanayay, iyo ciidamada ahlusuna.

ciidamadda daacad u ah culamadda ahlusuna oo halkaas ku leh madaaris waaweyn oo lagu barto diinta Islaamka ayaa iyaguna la sheegayaa in 5 ruux ay weerarka uga geeriyootay, halka dhaawacana uu 10 gaarayo, waxaana wali socda dhaq dhaqaaqyo ay sameynayaan dhinacyada dagaalamay, iyadoo ay jirto cabsi ku aadan in weerar rogaal celis ah la soo qaado.

Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug oo gurmad ah ayaa sidoo kale la sheegayaa iney ka baxeen degaanada kale ee Gobolka si ay uga qeyb qaataan difaaca degaanka Baxdo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here