Taliska ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee gobolka Gedo ayaa magaalada Garbahaarey ku soo bandhigay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Al-Shabaab.
Cabdicasiis ayaa ka soo goostay Alshabaab, kadib markii uu u adkeysan waayey xaalada ay ku suganyihiin, wuxuuna isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan ciidanka qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo.
Ninkaan oo ka mid ahaa dhalinyarada markii hore la marin-habaabiyey ayaa sheegay inuu ku baraarugay fikirka gurracan ee Al-shabaab ah ay ku qaldaan bulshada.

