Waxaa xalay saqdii dhaxe tiro madaafiic ah ku dhaceen xaafado katirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Madaafiicda oo bilowday xalay abaaro 2:00AM ayaa ku dhacay xaafado katirsan degmada Wadajir waxaana madaafiicda qaar ku dhaceen guryo dad shacab ah degnaayeen oo kuyaalla degmada.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay madfac ku dhacay degmada Wadajir halka ay ku dhaawacmeen sideed qof oo kale oo hal qoys ka koobnaa.

