Sacuudiga Oo Xayiraad Dhanka Duulimaadka ah Ku Soo Rogay Soomaaliya.

0

Dowladda Sacuudi Arabia ayaa xayiraad dhanka Duulimaadyadda ah kusoo rogtay Wadamo Soomaaliya ay ku jirto.

Arintaan ayaa loo sababeeyay kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya dalkaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in todobaadkaan la diiwaangaliyay 414 kiis oo cusub oo la xiriira cudurka COVID-19, taasi oo shan jeer ka badan tirada kiisaskii la arkay bilihii march iyo april.

Wadamada kale ee xayiraadda lagu soo rogay ayaa kala ah ndia, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.

Go’aankaan ayaa saameyn doona Xajka oo ku beegan horaanta bisha July 2022-ka,balse waxaa soo baxaya warar ku aadan in wax laga badali doono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here