Shil Gaari oo ka Dhacay Degaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

0

Shil gaari oo geystay qasaaro  dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay Degaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saddex Ruux oo mid kamid ah uu ahaa Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay shilka gaari halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen shilka gaari sida ay warbaahinta simba u sheegeen dad ku sugan deeganka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Shilka gaari deeganka Lafoole ayaa yimid kadib  markii ay isku dhaceen labo gaari  oo mid uu kusii jeeday dhanka degmada afgooye halka mid kalana uu kusoo jeeday Gudaha Magaalada Muqdisho caasimada soomaliya.

Dadkii ku dhaawac shilka gaari ayaa la geeyay goobaha caafimaad ee ka akdhow deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here