Golaha Wasiiradda oo Ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda.

0

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyay  Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka Islaamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay madaxda ugu duceeyaan in uu Eebbe ku guuleeyo howsha qaran ee loo  igmaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu sheegay in ay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen, isla markaana aysan jirin xumaaan shakhsi ah oo ka dhaxaysa marka laga reebo inay doorashada ku kala aragti duwanaayeen, ayna jireen dad khilaafkooda  sii hurinayay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here