Gudoomiyaha gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya Sanatar Cabdiqani Geelle ayaa sheegay in qorshaha waqtiga ay bilaabaneyso codbixintu ahaa 11 ka barqanimo ee maanta balse dib u dhac ku yimid.
Waxa uu goobta doorahsada ka sheegay in codeyntu bilaaban doonto 2 da duhurnimo,madaama aysan teendhada afisiyooni aysan soo gaarin qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Musharixiinta.
328 oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dooranaya madaxwewynaha,iyadoo la filayo in wareegayo kala duwan ay doorashadu qaadato maadaama musharrxiintu ay badanyihiin.

