Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda haatan diyaargarowgii ugu dambeeyay ee Doorashadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Doorashadda ayaa ka dhici doonta Teendhada Afisiyooni ee Magaladdda muqdisho,waxaana si weyn loo adkeeyay amniga Teendhada,waxaana sugaya Ciidamadda ATMIS iyo qeyb kamid ah Booliska Dowladda federaalka Soomaaliya.
328 oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dooranaya madaxwewynaha,iyadoo la filayo in wareegayo kala duwan ay doorashadu qaadato maadaama musharrxiintu ay badanyihiin.
Qaar ka mid ah musharxiinta ayaa saacadihii la soo dhaafay sheegay inay tanaasuleen halka qaarna ay sheegeen inay isaga hareen tartanka.
Xubnaha tartamaya waxaa kamid ah madaxweynaha taladda hada haya, Madaxweynayaashii Hore Raisulwasaare hore, iyo wasiiro hore iyo xubno kale oo siyaasiyiin u badan.
Dhanka kale Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka dhaqan galay Bandow uu soo rogay Taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed,kaasi oo ku ek subaxa hore ee Maalinta isniinta ah.

