Wafdi balaaran uu Hogaaminaayo Safiirka dowlada Jabuuti u fadhiya soomaliya Ambassador dayib dubad Rooble ayaa maanta ku wajahan Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Qabad-qaabada lagu soo dhaweynayo wafdiga safiirka dowlada Jabuuti ee soomaliya ayaa haatan Laga dareemayaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyadoo sidoo kale saro loo qaaday amaanka Magaalada Beledwyene.
Magaalada Beledweyne waxaa haatan ka socda shirar u dhaxeeya dadka kasoo jeeda Gobolka sida siyaasiyiinta, xidlhibaano iyo odoyaasha gobolka hiiraan kaasi oo loogu hadlaayo aayaha Gobolka Hiiraan kadib markii odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ay kasoo horjeysteen ka qeyb galka shirka maamul u sameynta hiiraan iyo shabeelaha dhexe ee wajigiisa labaad uu ka furnaa Magaalada Jowhar.

