Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom oo la Wareegay deegaanka Buur-weyn+Dhageyso

0

Ciidamada dowlada soomaliya  oo garab ka helaya kuwa Midowga Africa ee Amisom ayaa la wareegay deegaanka Buur-weyn ee hoostaga degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya oo horkacaya ciidamada dowlada soomaliya oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In ciidamada dowlada soomaliya ay u suurta gashay la wareegitaanka deegaanka Buur-weyn oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen ciidamada al-shabaab.

Korneel C/laahi barre  oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ee horkacaya ciidamada ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya oo garab malatari ka helaya ciidamada midowga Africa ee amisom ay u suurta gahay gashay la wareegitaanka deegaanka Buur-weyn ee hoostaga degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan.

C/laahi barre waxa uu hadalkiisa ku daray in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga africa ee amisom ay sii gaari doonaan deegaano kale oo xiligaan ay ku sugan yihiin ciidamada al-shabaab.

Mudooyinkii dambe ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Amisom ayaa waday howlgalo ay ku doonayeen in gobolka hiiiraan ay kaga saaraan meelaha ay kaga sugan Yihiin al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here