Ruushka ayaa gaashaanka u daruuray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya inuu maalmaha soo socdo ku dhawaaqayo dagaal ka dhan ah Ukraine, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid “aan waxba ka jirin”.
Moscow ayaa illaa hadda diidaysay inay dagaal ku jirto, taa badelkeedana waxa ay duullaankeeda ku tilmaamaysay “howlgal milateri oo gaar ah”.
Hasayeeshee saraakiisha reer Galbeedka ayaa waxa ay isla dhexmarayeen in Madaxweyne Vladimir Putin uu Bandhigga Guusha ee 9-ka May uu kaga faa’iidaysan doono inuu ku dhawaaqo ballaarinta tallaabadiisa milateri.
Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee loogaga taliyo waddankaasi, Dmitry Peskov, ayaa sikasta oo uu xaalku ahaadaba sheegay in warkaasi uu “gebi ahaanba” runta ka fogyahay.
Xoghayaha Gaashaandhigga ee UK, Ben Wallace, ayaa todobaadkii tegay sheegay in bandhigga Moscow ee lagu xusayo guushii laga gaaray Naziyiinta ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka – ay suuragal tahay inay taageero u raadiso abaabulka ciidammo badan oo hab cusub u riixa dagaalka Ukraine.
“Walow aanan xog ka ahayn arrintaasi, haddana la yaabi maayo, in maalintaas May uu ku dhawaaqi doono in “aynaan dagaal kula jirin Naaziyiinta Adduunka haddana waxaanan u baahannahay inaan abaabulno dadka Ruushka,” ayuu u sheegay raadiyaha LBC.

