Dowladda Burundi ayaa ka hadashay weerarkii dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamadda ATMIS ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 30 askari laga dilay, 22 kalena laga dhaawacay, halka tobaneeyo kalena la la’yahay.
Ciidamada AMISOM ayaa u diray diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah kadib weerarkii subaxnimadii hore ee shalay lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi oo ku dhow deegaanka Ceel-Baraf.
Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe in ay ku dileen 173-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Burundi.

