Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Shiraya Arrinta Doorashadda Madaxweynaha

0

Xildhibaanadda Labadda aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee magaaladda Muqdisho.

Xildhibaanadda Labadda aqal ayaa xalay loo kala diray fariimo loogu sheegayo inuu jiro kulanka maanta, waxaana looga dalbaday iney waqtiga ilaaliyaan.

Qorshaha maanta ayaa ah  in labada dhinacba ay iska soo kala xulaan xubnihii kamid noqon lahaa guddiyada doorashada labada aqal, si loogu diyaar garoobo doorashada madaxweyne oo qorshaha yahay in ilaa 20ka bishan.

Amaanka xarunta Villa Hargeysa ayaa si wadajir ah loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya iyo kuwa ATMIS ee Howlgalka Midowga Afrika.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here