Maamulka Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay dileen Mas’uul ka Tirsanaa al-shabaab kadib weerar ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen.
Gudoomiyaha degmada Ceel-buur ee Gobolka Gobolka Galgaduud Cabdi Maxamed Biya quute oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen deegaanka ceel-qooxle ee bariga Gobolka Galgaduud halkaasna ay ku dileen sarkaal ay ku sheegeen in uu ahaa madixii zakawaadka al-shabaab. ee Gobolka Galgaduud.
Waxa uu sheegay Cabdi Maxamed Biya quute Gudoomiyaha degmada Ceel-buur in sarkaalka la dilay uu asal ahaan uu kasoo jeedo Gobolka Galgaduud uuna ku dhintay weerar ciidamada dowlada soomaliya ku qaadeen deeganka ceel-qooxle.
Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Maamulka al-shabaab ee Gobolka Galgaduud ay kaga Hadlayaan guulaha ay sheeganayaan ciidamada dowlada soomaliya.

