Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa kasoo horjeystay go’aankii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed uu maamul ugu magacaabay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Tiro xildhibaano oo maanta kulan ku yeeshtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa si cad ugu soo horjeystay maamulka loo dhisay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug iyagoo ku tilmaamay maamul aysan ku qanacsaneen dadka ku nool degmada Hobyo.
Xildhibaan C/wali rooraaye oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug oo kulan ka qeyb galay oo wareysi siiyay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamul la aqoosan yahay aan halkaas laga sameeyay.
Hadalkaan kasoo yeeray xildhibaanadaan ka Tirsan Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa kusoo beegmaya xili todobaadkii aynu soo dhaafnay degmada hobyo ee Gobolka Mudug loogu dhawaaqay maamul hoos yimaada Maamulka Galmudug.

