Ururka 35-aad guutada 7-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu soo qabtay xubno katirsan Al-Shabaab ka sameeyay deegaanada Buulalow, Doonka iyo Dameeraale oo hoostaga Degmada Afgoye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhame Axmed Maxmuud Cali Taliyaha ururka 35-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalka hogaaminayay ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa sii dadka looga dulqaadi lahaa dhagarta Al-shabaab.
Mudooyinkii ugu dameeyay Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo kala duwan ka wada qeybo ka mid ah gobalada dalka ,kuwaasi oo ujeedkoodu ahaa sidii Al-shabaab looga cirib tiri lahaa guud ahaan dalka.

