Farmaajo oo Safar Ugu Ambabaxaya Magaaladda Doxa ee Dalka Qadar

0

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaaday ee Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa safar ugu ambabaxaya Magaaladda Doxa ee dalka Qadar,maalinta axada ah.

Qoraal kasoo baxay  Dowladda Qadar ayaa lagu sheegay  in Farmaajo uu Casuumaad  ka helay Dowladda Qatar,islamarkaana uu la kulmi doono amiirka Qadar Sheikh Tamim.

Dowladda Qadar ma aysan shaacinin ujeedka caasumaadka loogu soo direy Madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Sabtida soo gaaraya magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa maalinta Axada ah kula kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya Amiri Diwan, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona horumarin lahaa, iyadoo ay u dheer tahay arrimo dhowr ah oo khuseeya danaha guud,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay Qatar News Agensy.

Qatar oo shantii sano ee la soo dhaafay si weyn u taageereysay Maamulka Farmaajo ayaa la rumeysan yahay in dhaqaale fara badan ku bixin doonto dib u doorashadiisa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here