Doorashadda Lix Kursi oo Maanta Ka Dhacaysa Baydhabo, Iyo Wararka Doorashadda

0

Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta ka dhacaysa doorashadda Lix kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta maanta lagu dooranayo Magaalada Baydhabo ayaa kala ah Hop-178, Hop-253, Hop-183, Hop-230, Hop-275, Hop-050.

Afartii sano aynu soo dhaafnay waxaa kuraasta maanta la dooranayo ku fadhiyay

1-Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif

2- Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan

3-Sandheere Maxamed Iftin

4-Pro, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI)

5-Samra Ibraahim Cumar.

6-Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amar-dambe

Guud ahaan Doorashadda Xildibaanada golaha shacabka waxaa ilaa haatan la doortay 186-xubnood,waxaa dhiman 89-xildhibaan waxaa tiradda guud laga rabaa 275-xildhibaan.

Puntland waxaa ilaa haatan la doortay 15-xildhibaan waxaa dhiman 22-xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,tiradda guud ee halkaas laga dooranayo ayaa ah 37-xildhibaan.

Dowladd Goboleedka Galmudug waxaa la doortay 26-xubnood,waxaa dhiman 11-xubnood,waxaana tirada guud laga rabaa 37-xubnood.

Dowladd Goboleedka Jubbland waxaa ilaa haatan la doortay 23-xildhibaan,waxaana dhiman 20-xildhibaan oo 16-kursi ay taala Degmadda Garbahaarey,waxaana tiradda guud laga rabaa 43-xildhibaan.

Beelaha banaadiriga oo laga rabay 5-xubnood ayaa jimcihii doorashadooda lagu qabtay Magaaladda Muqdisho tirada guud ayaa ah 5-xildhibaan.

Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ilaa haatan la doortay 50-xildhibaan,waxaa dhiman 19-xildhibaan, tirada guud ayaa ah 69-mudane oo 26 laga soo doortay Magaalada Baraawe.

Maamulka hir-shabeelle ayaa ilaa haatan waxaa la doortay 21-xildhibaan waxaa dhiman 17-xildhibaan tiradda guud ee hir-shabeelle laga rabo ayaa ah 38-xildhibaan.

Doorashadda Xildhibaanada ka imaanaya Goboladda woqooyi ayaa dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay Magaladda Muqdisho,tiradda guud ayaa ah 46-xildhibaan dhamaan waxa lagu doortay Magaaladda Muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here