Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari waxaa ka socda kulamo u dhaxeeya Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni iyo Agaasimihii Hore ee Hay’adda PSF iyo Waxgaradka Gobolka.
Kulankaan ayaa loogu hadlayay arinta magaalada Boosaaso,iyo sidii loo xalin lahaa khilaafkii ka dhashay xil ka qaadista agaasimaha, iyo arinta doorashadda kuraasta taala magaaladda Boosaaso.
Maxweynaha iyo Agaasimaha oo ay weheliyeen isimo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxay kulan albaabadu u xiran yihiin ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Boosaaso.
Madaxweyne Siciid Deni, ayaa ka dalbaday Maxamuud Diyaano in uu aqbalo dikreetadii looga qaaday xilka Agaasimaha PSF, islamarkaana xilka wareejiyo, kadibna loo fulin doono wixii uu dowladda ka rabo.
Balse, Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa diidma ka muujiyay dalabka Madaxweynaha, wuxuuna codsaday in dowladdu fuliso go’aankii u dambeeyay ee Isimada, kadibna la xalliyo wixii khilaaf ah ee jira.
Go’aankii u dambeeyay ee Isimada ayaa dhigayay in Maxamuud Cismaan Diyaano agaasimihii hore loo daayo Agaasimaha PSF, kadibna la heshiisiiyo isaga iyo Madaxweyne Siciid Deni.
Kulanka oo natiijo la’aan ku dhammaaday ayaa lagu ballamay in mar kale berri galab la isku laabto.

