Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ay xalay ku qaadeen Xarunta Degmadda Heliwaa ee Gobolka banaadir.
Weerarka ayaa ku bilowday qoriga Sabanka la yaqaano oo dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ay ku dhufteyn xarunta Degmadda,waxaana xigay iska hor imaad dhexmaray ciidamadda Degmadda ku sugan iyo dagaalyahanadda Al-shabaab.
Jugta iyo rasaasta ayaa si weyn loogu maqlay Xalay qeybo kamid ah Magaaladda Muqdisho.
Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan Al-shabaab ay xalay ku qaadeen Xarunta Degmadda Heliwaa ee Magaaladda Muqdisho.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmadda Heliwaa oo loogu hadlaayo weerarka dhacay.

