Dagaal ayaa ka qarxay waddooyinka caasimadda Kiev, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ukraine ee Interfax.
“Dagaalka ayaa haatan ka socdaa waddooyinka caasimadda” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda Ukraine .
Waxay dowladda shacabka ugu baaqday inay raadsadaan goobo gabbaad ah isla markaana aysan u dhawaan daaqadaha guryaha ama inay bannaanka usoo baxaan.
Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in dagaal xooggan uu ka socdo gudaha iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee Kiev.

