Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay kooxo Weerar Bambooyinka gacanta loo adeegsaday ku qaaday Saldhigyada Boliiska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Afayeenka Boliiska ayaa sheegay in rag hubeysan ay weerareen Saldhigyada Boliiska Wadajir, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere isla markaana gacanta lagu dhigay maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday Warbaahintana loo soo bandhigayo.
Afayeenka ayaa sheegay in Boliisku qabtay 7 Ruux oo ku eedeysan inay soo weerareen Saldhigyada Boliiska.

