Al-shabaab ayaa si faah-faahsan ugu hadlay weeraradii habeen ka hor ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Al-shabaab Sheekh Muuse Cabdi Carraale oo wareysi siiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa ka hadlay ujeedka ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Degmada Kaxda kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Waxa uu sheegay in dagalayhano ka Tirsan Al-shabaab ay fuliyeen weerarka lagu qaaday degmadda Kaxda,islamarkaan ay la wareegeen xarunta Degmadda, ayna soo qaateen gaadiid iyo hub yaalay xurunta.
Wuxuu sheegay in weeraradaas ay qeyb ka ahaayeen howlgalada abaabulan ee ka dhanka ah Dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay kuwo la shaqeeya shisheeyaha kusoo duulay wadanka.
Wuxuu ku goodiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Al-shabaab Sheekh Muuse Cabdi Carraale inay soo noqnoqon doonaan weeraradaas intaba shisheeyaha iyo dabadhilifyadiisu ku sugan yihiin dalka sida uu hadalka u dhigay.
“Weeraradii kaxda oo kale wey soo noqnoqon doonaa inta dowladda aan sharciga aheyn iyo wadamada shisheeya ay wadanka ku sugan, mana hirgali doono qorshaha Shisheeyaha ee Soomaaliya inta aan noolnahay” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Al-shabaab Sheekh Muuse Cabdi Carraale.
Ku dhawaad 20-qof oo shacab u badan ay waxyeelo kasoo gaartay weeraro qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday Degmadda Kaxda ee Koonfur Magaaladda Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay ayaa sheegtay in weeraradaas khasaare ay dhaliyeen,mana jirto talaabo ay qaaday dowladda oo loogu jawaabayo weeraradda Al-shabaab ay ku fuliyeen Magaaladda Muqdisho.
11-sano ka hor ayaa ugu dambeysay in Al-shabaab ay weeraro ka fuliyaan Magaaladda Muqdisho, xiligaas oo magaaladda dagaal loogu saaray.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aamisan in amniga Magaaladda Muqdisho gacanta kasii baxayo,islamarkaana Dowladda ku mashquushay arrimaha doorashadda,taasina ay fursad siisay Al-shabaab in weeraro ay ka fuliyaan Magaaladda iyagoo wata gaadiidka dagaalka.

