Wasiirka Qorsheynta Dowlad Goboleedka Galmudug C/naasir Geelle ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, isagoo sheegay inuu gadaal ka soo faah faahin doono sababta is casilaadiisa.
C/naasir Geelle ayaa noqonaya Wasiirkii labaad ee iska casila Galmudug, waxaa horay sanadkii hore is casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in C/naasir Geelle uu u sharax yahay Kursiga Xildhibaano ee Hop-147.
“Bismilaah,Waxaan maanta u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug warqadii aan iskaga casilay xilkii Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee Galmudug.
Waxaan gadaal kasoo faahfaahin doona sababta keentay iscasilaadeyda oo aan ku faahfaahin doono shir jaraaid.
Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa dhamaan heyadaha Dowladda Galmudug iyo shacabkeeda. Sidoo kale waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa howl wadeenada Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalmiga sida hagar la’aanta eey iila shaqeeyeen.

