Taliska Booliska Soomaaliyeed oo Ka Hadlay Arinta C/wali Muudey

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaliyeed ayaa ka hadlay is hor istaagii shalay lagu sameeyay Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/wali Shiikh Ibraahim Muudey.

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in sababta loo celiyay Gudoomiyaha ay aheyd ciidamo iyo hub badan oo kula sii jeeday Magaaladda baraawe.

Waxa uu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed soo jeediyay in Magaladda lala yimaadda istaaf yar iyo hub yar,taasina ay keentay in safarkiisa loo diido Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/wali Muudey.

“Ma jirto sabab keeni karta in ciidan badan loo qaato magaaladaas, Garoonka Aadan Cadde waxaa lagu baraaruqay ciidan hub badan wata oo rabo in ay diyaarad raacaan lana ogaaday in ay Baraawe tagayaan balse Muudey waxaa lagu wargeliyay in keliya loo ogol yahay 5 askari oo waardiye ah” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan.

Arintaan ayaa imaanaysa xili shalay Ciidamadda Garoonka aadan Cadde ay u diideen in uu dhoofo Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/wali Muudey,kaasi oo kursi u doonayay Magaaladda Baraawe.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here