C/raxmaan C/shakuur iyo Kulane Jiis oo Kamid Noqday Baarlamaanka Soomaaliya

0

Magaaladda Dhuusa-mareeb waxaa maanta lagu qabtay doorashadda 3- kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraastaan waxaa ku guuleystay xubno ay kamid yihiin Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Kulane Jiis oo kamid ah Saraakiisha Hay’adda NISA.

C/raxmaan C/shakuur ayaa u tartamayay Kursiga nambarkiisu yahay HOP#138 oo 2 musharax isku diiwaangeliyeen, kalana ah:

1- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

2- Naciimo Xuseen Cali

Waxaa ka tanaasulay tartanka Naciimo Xuseen Cali waxaa ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame waxaana ogol ugu codeeyey 86 ergada ah oo ah dhamaan ergada ah.

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#138 Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo helay 86 cod.

Sidoo kale waaxaa doorashadda kusoo baxay Farah Cabdi Diini oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop 007

Cabdullaahi Adan Kulane  ayaa sidoo kale ku guuleystay kursiga hop 040 waxaa ka tanaasulay tartanka Xassan Cabdi Jaamac waxaa ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdullahi Adan Kulane waxaana ogol ugu codeeyey 101 ergada ah oo ah dhamaan ergada ah.

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#040 Cabdullaahi Adan Kulane oo helay 101 cod.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here