Guddiga doorashada Maamulka Hirshabelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada 13 kursi oo kamid ah kuraasta taala Magaaladda Beledweyne.
Kuraasta la shaaciyay ayaa waxaa ku jira kursiga #HOP086 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax C/qaadir, kaasoo uu doonayo agaasimihii hore ee Hay’dda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA Fahad Yaasiin.
13-kursi ee la shaaciyay ayaa waxaa afartii sano aynu soo dhaafnay ku fadhiyay Xildhibaanadda kala ah
#HOP 03 Maxamuud sheikh cabdiraxmaan faarax
#HOP 06 Maxamuud cabdulaahi axmed
#HOP 08 Xuseen cabdi cilmi
#HOP 015 Xiis Xasan Aadan
#HOP 022 Cusmaan Maxamed Cabdi.
#HOP 031 Yuusuf Xuseen Axmed
#HOP 032 Khaliif Cabdi Cumar
#HOP 068 Faadumo Faarax Ibraahim
#HOP 074 Abdulaahi Colaad Rooble
#HOP 086 Faarax Sheekh Cabdqadir
#HOP 109 C/fatax Qaasim Maxamud
#HOP 252 C/siis Saalax Carmaan.
#HOP 274 Maxamed Cabdulaahi Xasan


