Doorashadda Laba Kursi oo Golaha Shacabka oo Ka Dhacaysa Dhuusa-mareeb

0

Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug waxaa lagu qabanayaa Saakay doorashadda laba Kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta maanta Dhuusa-mareeb ayaa kala ah HOP#025 iyo HOP#081.

Kursiga HOP#025 ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) iyo Xasan Cali Cusmaan. Halka Kursiga HOP#081 ay ku tartamayaan musharaxiinta kala ah 1- Cadar Cali Maxamed iyo Nasro Maxamed Dalabey.

Gudoomiyaha Degmadda Deyniile Maxamed Abuukar Cali (Jacfar), ayaa loo badinayaa in uu kusoo bixi doono kursiga HOP#025.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here