Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay xayiraad dhanka socdaalka ah ay kusoo rogi doonto shakhsiyaad hadda xilal haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xannibaadda fiisaha ay khusayso kuwa dhiirigeliyay oo ku hawlan qalalaasaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo ku takri-falka hannaanka doorashada.
“Dariiqa ugu wanaagsan ee lagu gaari karo nabad waarta oo Soomaaliya ka dhacda waa iyada oo si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri Blinken.
“Madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya waa in ay raacaan ballan-qaadyadooda ah in lagu soo dhameystiro hannaanka baarlamaanka si lagu kalsoonaan karo oo daah-furan ugu dambeyn 25-ka Febraayo,” ayuu raaciyay.
“Siyaasaddan ayaa lagu dabbaqi doonaa shakhsiyaadka door ka qaatay habraac-xumada wiiqday hannaaka doroashada, kuwaas oo ka gaabiyay gudashada waajibaadkii ka saarnaa hirgalinta doorashooyin hufan oo wakhtigooda ku dhaca, geystayna caga jugleyn, xarig iyo tacadiyo ka dhan ah suxufiyiinta iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah”.

