QM oo Digniin Cusub Ka Soo Saartay Xaaladda Abaarta Soomaaliya

0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimadda ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 4.3 milyan oo qof ay saameeyeen abaarta ba’an ee ka jirta qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya, halka ay bil ka hor ahayd 3.2 milyan oo qof.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa sheegay in abaarta sii kordhaysa ay keentay in ilaa 271,000 oo qof ay ka tageen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo baad.

“Iyadoo xilli roobaadka soo socda aan la fileynin illaa iyo Abriil 2022, Soomaaliya waxay ku dhaygagaysaa masiibo dhici karta,” UNOCHA ayaa ka digtay jawaabteedii ugu dambeysay ee abaarta oo laga sii daayay Magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay uu 25 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah u qoondeeyay wax ka qabashada Abaaraha, waxaana Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya uu dhaqaalahaan ku kabay 6 Milyan oo Doollar;
qoondaynta labaad ayaa socota.

Maalgelin dheeri ah oo loogu talagalay waaxyaha mudnaanta leh ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo badbaadiyo nolosha iyo hab-nololeedyada, oo ay ku jiraan maalgelin la taaban karo iyo waqti hore oo loogu talagalay qorshaha Ka jawaabidda Bani’aadanimada ee Soomaaliya 2022.

“Biyo la’aan daran iyo helitaan la’aanta fayadhowrka iyo tafsiilaadkq nadaafadda ayaa sare u qaaday halista cudurro dillaaca,” ayay tiri UNOCHA,waxay ka digtay in abaartu tahay mashruuc

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here