Raisulwasaare Rooble oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Safarkii Imaaraadka

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib socdaal Afar cisho qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha oo intii uu joogay Imaaraadka Carabta kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalkaas ayaa socdaalkiisu ku qotomay horumarinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Imaaraadka Carabta, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaas, gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso iyo qodobbo kale oo kkuseeya gobolka geeska iyo xiriirka labada dal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here