Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta geysnaysa Magaaladda Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed.
Qorshaha arintaan ka dambeysa ayaa lagu sheegay in laga hortago banaanbaxyadda ka socda Magaaladda Beledweyne oo loogu soo horjeedo Madaxweynaha Hir-shabeelle.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu dalbaday Ciidamadda Haramcad in loo geeyo magaaladda Beledweyne si halkaas doorashadda kuraasta Hiiraan ka imaanayso loogu qabto.
Magaaldda beledweyne waxaa shalay ka dhacay banaanbaxyo loogu soo horjeeday Madaxweynaha Hir-shabeelle kaasi oo ku wajahan Magaaladda Beledweyne.
Magaaladda waxaa ku sugan Ciidamo hubeysan waxaana laga cabsi qabaa in Magaaladda ay ka dhacaan dagaalo geysta khasaare.

